Sawirro: Madaxweyne Laf Gareen oo si diiran loogu soo dhoweeyey Baydahbo

33

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si diiran Madaxweynaha ugu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Shaati-Gaduud.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa maalmahaan ku sugnaa gudaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ka qeyb-galay shirar u dhexeeyey dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo loooga hadlayey doorashooyinka dalka.

Lafta Gareen ayaa sidoo kale intuu uu joogay caasimadda la kulmay mas’uuliyiin kala duwan oo uu kala hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo marxaladda kala guurka ee lagu jiro.