Sawirro: MW Lafta Gareen oo la kulmay Gudiga Sportiga Koonfur Galbeed

32

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa kulan gaar ah kula qaatay xarunta madaxtooyada magaalada Baydhabo guddiga Sportiga ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed.

Lafta Gareen ayaa guddiga kala hadlay arrimo ku aadan u diyaar garowga koob ciyaareedka dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Tartankan oo ah mid sanad leh ayaa waxaa lagu wadaa in bisha December ee sanadkan 2020-ka in uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.