Sawirro: Madaxweyne Qoor Qoor oo dib ugu laabtay magaalada Dhuusamareeb

41

Madaxweynaha Galmudug Md. Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta dib ugu soo laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowladda Galmudug kaddib safar shaqo uu ku joogay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho halkaas oo uu kaga qeybgalay shirarkii madaxda DFS iyo DX ee lagu go’aamiyay habraaca iyo hanaanka doorashada 2020-2021.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Madaxweyne Ku Xigeenka GM, Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka, Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka Caasimadda & qeybaha kala duwan ee bulshada.