Sawirro: Mahdi Guuleed oo magacaabay guddi cusub

31

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Mahdi M. Gulaid ayaa magacaabay guddi ka shaqeynaya munaasabadda xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka, mudane Mohamed Husein Roble.

Guddigan oo heer wasiir ah ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah u guda galaan waajigaadka shaqo ee loo igmaday.

Sidoo kale guddiga ayaa waxaa ka mid ah sii-hayeyaasha xilka Wasiirada Dhalinyarada iyo ciyaaraha, Gaashandhiga, qorsheynta, dastuurka, duulista hawada iyo caddaalada.

Dhowaan ayaa la filayaa inay dhacdo xafladda xil wareejinta Ra’iisul wasaaraha cusub, si uu guda galo howlaha adag ee horyaalla, maadaama uu waqtigu aad u yara yahay.