Sawirro: Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed oo kormeer sameeyey

50

Wasiiru dowlaha madaxtooyada Koonfur Galbed Maxamed Maxamed Khayre, agaasimaha madaxtooyada Koonfur Galbeed, Cabdullahi Cali Watiin iyo agaasimaha guddiga shaqaalaha rayidka Koonfur Galbeed Sharma’arke Maxamed Kuulow ayaa maanta booqday qaar ka mid ah xarumaha wasaradaha Koonfur Galbed ee ku yaalla magaalada Baydhabo.

Ujeedka kormeerkan ayaa ahaa mid indha-indheyn ah oo lagula soconayey qaabka ay shaqada u socoto iyo qiimeyn guud oo mas’uuliyiintaasi ay ku sameynayeen wasaaradahaasi.

Sidoo kale waxa ay kulamo la qaateen madaxda wasaaradaha kala duwan ee ay booqdeen iyo sidoo kale shaqaalaha, iyaga oo ka xog-wareystay howlaha ay u hayaan bulshada.

Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkii la soo dhaafay waday is-bedal ballaarn oo lagu horumarinayo howlaha shaqo ee wasaaradaha maamulkaasi.