Sawirro: Maxay Axmed Karaash iyo Safiirka Jabuuti ka wada-hadleen?

44

 Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa looga hadlay horumarinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa ka mid ah dowladaha taageero Puntland, iyada oo uu dhowaan dalkaasi booqasho ku tegay Madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni).