Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Lafta Gareen, Waare iyo Deni?

50

Faah faahino dheeraad ayaa ka soo baxaya kulan gaar ah oo xalay ka dhacay hoyga uu magaalada Muqdisho ka dagan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, kaas oo yimid, kadib ku marti-uu u fidiyey Lafta Gareen madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo HirShabelle.

Kulankan oo ahaan mid xasaasi ahayaa waxaa diirada lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2020/2021-ka

Madxada ayaa ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan shirka wada-tashiga Muqdisho oo markale dib u dhacay iyo qodobo kale.

MMuqdisho ayaa waxaa haatan ka socda kulamo siyaasadeed oo gaar gaar ah, kuwaas oo looga arrinsano marxalada kala guurka ah ee uu dalku ku jiro.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sii cakirantay wixii ka dambeeyey markii la riday Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre.