Sawirro: Muxuu Deni kala hadlay duqa magaalada Muqdisho?

56

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish”.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo Dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.