SAWIRRO:-Prof Jawaari oo si diiran loogu soo dhaweyey Magaalada Beydhabo

38

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad goboleedka koonfur Galbeed

Prof  Jawaari ayaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa kusoo dhaweeyay Guddoomiye kuxigeenka 1aad iyo labaad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed & Xubno kale oo ka tirsan Barlamaanka Maamulkaasi.

U jeedada safarka Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Uu ku tegay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay in uu halkaasi uga qeyb-geli doono furitaanka Kal-fadhigii labaad ee Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed

Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa uu uga mahadceliyay Gudoonka Baarlamanka Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya soo dhaweynta weyn ay u sameeyeen .

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari  ayaa bilihii ugu dmabeyey waxa uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho inta uu ku sugan yahay Beydhabo waxa uu kulamo la qaadan doonaa madaxda Maamulka Koonfur Galbeed soomaaliya.