Sawirro Qarax duhurkii ka dhacay Muqdisho .

27

Faah faahino horudhac ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay agagaarka Iskuul Buluusiya ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa mid is-miidaamin ah uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa.

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo war qoraal ah soo saaray ayaa sheegay in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay maqaaxi ku taalla nawaaxiga Iskuul Buluusiya.

Sidoo kale waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhashay qaraxaasi, balse waxaa haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo isku geedaamay goobta.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRADDA