Madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay gudaha magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Kulanka oo ka dhacay hoyga uu caasimadda ka dagan yahay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka.
Qoor Qoor iyo Siciid Deni ayaa si gaar ah diirada uu saaray arrimaha doorashooyinka ee 2020/21 iyo shirka wada-tashiga Muqdisho oo galay maalintii labaad.
Sidoo kale waxa ay isla qireen inay muhiim tahay in xal mideysan la gaaro, si ay dalka uga dhacdo doorasho la’isku raacsan yahay.
Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka socday shirar gaar-gaar ah oo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee uu haatan dalka ku jiro.


