Sawirro: Ra’iisul wasaaraha cusub oo kulamo ka wada Muqdisho

38

Ra’iisul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Rooble ayaa kulan gaar ah la qaatay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ahaa mid is-barasho ah, sidoo kalena ay mas’uuliyiinta isaga xog wareysteen xaaladda guu ee dalka.

Beri oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in codka kalsoonida ah loo qaado Ra’iisul wasaaraha cusub ee Mudane Maxamed Xuseen Roobe, si uu u guda galo waajibaadka loo igmaday.