Sawirro: Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Kormeeray Garoonka Aadan Cadde

67

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda  ayaa kormeeray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ujeedka kormeerkan  ayaa ahaa mid  Ra’iisul Wasaare Rooble uu ugu guur galayay Shaqadda  baaxadda leh ee ka socda garoonka,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa  booqday qeybaha kala duwan ee Garoonka  oo ay ka mid yihiin qeybta duulista, saadaasha hawada iyo Socdaalka. Isagoo xog wareystay bulshadii Soomaaliyeed ee xiligaas loo adeegayay ,kuwaasi oo Garoonak ku sugnaa

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladdu ay xil weyn iska saarayso,isla markaana ka shaqaynayso sidii loo horumarin lahaa Garoonka Aadan Cadde iyo Garoomada kale ee dalka

Ra’iisal Wasaaraha oo kormeerkiisu la xiriiray dar-dar-galinta howlaha shaqo iyo habsami u socodka adeegyada garoonka Diyaaradaha Wuxuu halkaa mahadcelin uga jeediyay hawl-wadeennada ,isagoo kula dar-daarmay inay dareemaan mas’uuliyadda Qaran  in ay sarantahay.

Waa markii ugu horeysay oo Booqasho ku tago Ra’iisul Wasaaraha  Garoonka Diyuuradaha ee Adaan Cadde .