Sawirro Shacabka Beledweyne oo dhigay dibadbax.

32

Shacabka Magaalada baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ay maanta saneeyen banaanbax.

Magaalada Baladweyne ayaa Saaka ku waaberiisatay Bannaanbax iyo dagaal isgarab socda, waxaana Oroornimadii hore ee Saaka Magaalada ka qarxay dagaal, iyadoo haddana uu socdo Bannaanbax ballaaran oo ay dhigayaan bulshada reer Baladweyne.

Bannaanbaxa ayaa ah mid looga oo horjeedo Maamulka cusub ee Cali Guudlaawe Xuseen oo ah Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, waxaana la filayay in Madaxweynuhu  uu Maanta  garo Magaalada Baladweyne, balse taasi waxaa saaka si weyn kaga carooday bulshada reer Baladweyne la shegay in ay kasoo horjeedaan imaanshiyaha Cali Guudlaawe ee magaalada Baladweyne.