Sawirro: Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiirada K/Galbeed?

51

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa shir gudoomiyey shirka Khamiislaha ah ee golaha wasiirada maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay arimaha Amniga,Garsoorka,Fatahadkii Webiga Shabeele ee Degmada Afgooye iyo Qodobo kale.

Sidoo kale waxaa shirka lagu soo qaaday arrimo ay ka ka mid ahaayeen Hindise sharciyeedka Xeerka Nidaamka Garsoorka Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida ee Koonfur Galbeed oo ay soo gudbisay Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale golaha wasiirada ee ka qeybgalay kulanka faah faahin ka siiyey safarkii qaatay mudada labo todobaad, islamarkaana uu ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay inuu ahaa mid lagu soo gaaray guusha jiheynta ee doorashooyinka 2020 illaa 2021-ka.

Ugu dambeyn Lafta Gareen ayaa golaha wasiirada ku boggaadiyey inay sii laba jibaaran adeegyada lagu hormarinayo dadka iyo deegaanka, si looga mira dhaliyo himilooyinka shacabka.