Sawirro:-Shirka Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Oo Goordhow Furmay

25

Waxaa maanta  Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirweynaha Midowga Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2020/2021, kaasi oo socon doona muddo saddex maalmood ah.

Shirka oo socon doono muddo sadddex maalmood ah ayaa waxaa diirada lagu saaraa xaaladda siyaasadeed ee xiligaan dalku marayo, Arrimaha Doorashada ka dhaceysa dhammaadka sanadkaan 2020/2021 iyo sidii Muhsraxaiinta u sameeyn lahaayeen Is-baheysi mid ah.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiinta kala ah

  1. Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud
  2. Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed
  3. Madaxweynihii Galmudug Cabdikariim Guuleed
  4. Madaxweynihii Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan
  5. Hoggaamiyaha Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur
  6. Hoggaamiyaha Xisbiga Nabadda Prof Maxamed Cabdi Gaandi
  7. Xisbiga Dan Qaran: Daahir Geelle
  8. Mustaf Dhuxulow
  9. Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre
  10. Hoggaamiyaha xisbigaIleys, Cabdiqaadir Cosoble,
  11. Xuseen Cabdi Xalane
  12. Maxamed Siriin oo ah hoggaamiyaha xisbiga Kulan

Xalay ayaa Muqdisho waxaa kulamo gooni gooni ah ku yeeshay Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo Musharaxiin kale, waxaana ay ka hadleen sidii looga arrinsan lahaa shirka Maanta u furmau Musharaxiinta.