Sawirro: Deni iyo wafdigiisa oo soo dhoweyn loogu sameeyey Baydhabo

43

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa Aqalka Madaxtooyada magaalada Baydhabo Xaflad isugu jirtay so dhoweyn iyo Casho sharaf ugu sameyey wafdiga uu hoggaaminayey Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni.

Munaasabadda oo aheyd mid ballaaran ayaa waxaa ka qeyb-galay guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaano, wasiiro iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxaa munaasabadda goobjoog ahaa fanaaniinta kooxda Jinaawkey ee magaalada Baydhabo oo wacdaro ka dhigay xafladda.

Siciid Deni oo labadii maalin ee u dambeysay ku sugnaa Baydhabo ayaa kulamo gaar ah la qaatay dhiggiisa Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).