Sawirro: Siciid Deni oo kulamo xasaasi ah ka bilaabay Muqdisho

25

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaatay Xildhibaannada Golaha Shacabka, Senatarada Aqalka sare iyo Wasiirada Xukuumadda ee kasoo jeeda maamulkaasi.

Labada dhinac dhanba dhanka kale uu ka xog dhageystay howlaha socda iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale Deni ayaa u bandhigay mas’uuliyiinta labada Gole ee DFS in ay kaalin ka qaataan qorshaha lagu diiwaangelinayo Ciidamada maamulkaas oo meelaha qaar muran ka dhashay una arko in ay ka qaybgali karaan xalinta howshaan, Howlaha Geedi socodka dalka, fulinta nidaamka dimuqraadiyadda iyo dib u habeynta maaliyadda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Dhankooda Wasiirada waxa ay u gudbiyeen qorshaha wada hadalka Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ay la leeyihiin Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xubnahaan qaarkood saaxiibo dhaw ay yihiin.