Soomaaliya oo xoojinayso maalgashiga dalxiiska+Sawirro

26

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska xukuumadda xil gaarsiinta mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey munaasabadda xuska maalinta dalxiiska Soomaaliyeed iyo astaynta goobaha dalxiiska dalka ayaa sheegay in wasaaraddu ay diyaarisay qorshe baaxad leh oo sare loogu qaadayo kaabayaasha dalxiiska dalka, si sare loogu qaado dakhliga dalka ka soo galaya.

“Muddo 14 cesho oo ka bilaabaneyso 13 bisha iyo 27 bishaan waxaan udabaal degeynaa maalmaha dalxiiska Soomaaliyeed waxaana ugu talagalnay in maalinta walba aan soo bandhigno goobaha qurxoon ee loo dalxiis tagi karo” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Sidoo kale wasiirka ayaa gobollada dalka iyo degmooyinka ku tartansiiyey sida ay wax uga qabtaan horumarinta dalxiiska, taas oo ay dawladda Soomaaliya ku abaal marin doonto, iyadoo sidoo kale wasaaraddu ay samaynayso hab Online ah oo lagu diiwaan galiyo goobaha dalxiiska iyo Hoteellada loo tamashle tago, si dadka dibadda ka imaanayaa ay si sahlan ula soo xiriiraan.

Agaasimaha waaxda dalxiiska ee Wasaaradda warfaafinta Farxiyo Samaan ayaa sheegay in haatan dalxiiska dalka laga dareemayo isbedel, iyadoo sanadkii sedexaad oo xiriir ah xoogga laga saarayo sidii loo soo nooleyn lahaa daxliiska dalka, taas oo ay ka dhalan karaan koboc dhaqaale iyo shaqo abuur.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska mudane Cabdiraxmaan Sh Yuusuf Al-cadaala oo isna munaasabadaas ka hadlay ayaa xusay in maanta la garanayo goobaha loo asteeyey dalxiiska dalka, taas oo muujinaysa sida shaqo culus looga qabtay.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed shire Falagle ayaa wasaaradda warfaafinta ku amaanay soo bandhista goobaha bilicda leh ee dalka iyo sare uqaadista goobaha dalxiiska dalka.

“Anigoo ku hadlayay magaca dowlad goboleedyada dalka waxaan uga mahadcelinaynaa wasaaradda warfaafinta sida ay bulshada Soomaaliyeed ugu jiheyneyso sidii loo soo bandhigay goobaha bilicda leh ee uu alle nagu maneystay ayuu hadalkiisa ku daray Wasiir Falagle.

Wakiillada ka socday dawlad goboleedyada, gobolka Banaadir, shirkadaha duulimaadyada iyo Bankiyada ayaa bogaadiyey inuu jiro hanaan isku xiran oo lagu horumarinayo dalxiiska Soomaaliya, iyadoo la garowsanyahay sida dalxiisku uu maanta caalamka uga noqday il dhaqaale oo wayn, Soomaaliyana ay leedahay fursado muhiim ah oo ay ku soo jiidan karto dalxiisayaal badan sanad kasta.