Sawirro: Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo kormeer ku tegay Afgooye

92

Wafdi ka socda Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS Mudane Mahad Mohamed Ciise iyo masuuliyiin kale ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wafdigan ayaa sidoo kale indho indheeyey xaafadaha ay sida daran u saameysay fatahaadda webiga Shabelle.

Sidoo kale xubnaha ka socda Koonfur Galbeed ayaa kormeeray xarunta degmada Afgooye, iyaga oo kula kulmay mas’uuliyiinta degmadaasi.