SAWIRRO:-Xulka kubada cagta Koonfur Galbeed oo maanta Tababar ku qaateen Stadium Muqdisho.

22

Xulka kubada cagta Koonfur Galbeed ayaa maanta tababar ku qaateen Stadium Muqdisho,kadib guushoodii shalay ay gaaaren

Ciyaartii shalay ayaa waxa ay aheyd mid aad u xiiso badan oo ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan oo lagu tilmamay in ay aheyd ciyaar wanaagsan

Xulka kubada cagta Koonfur Galbeed ayaa u muuqda mid ku guuleysanayo koobka tartanka Kooxaha Kubadda Cagta Maamul goboledyadda iyo Gobolka Banaadir madama ay shalay ku daahfuren guul ciyaartoodii ugu horeysay oo ay la ciyaaren lugta kowaad xulka Kubadda Cagta Maamulka jubaland oo ahaa koox si aad ah u adag marka loo eego kooxaha kale madama ay dhowr jeer ay qaaden koobkaan

Xidigaha Xulka kubada cagta Koonfur Galbeed ayaa wacdaro iyo ciyaar wanaag ku soo banddhigay Garoonka iyadoo dadkii dawanayay ay aad ula dhaceyn Ciyaarta .

Xulka kubada cagta Koonfur Galbeed ayaa maanta tababar ku qaateen garoonka Kubadda cagta eeĀ  Stadium Muqdisho, halkaasi oo ay macalinta xulka ay ku barayeen qaab ciyaaredka iyo aalamiinda la siinay ciyaartooyda mataleyso Xulka kubada cagta Koonfur Galbeed soomaaliya.