Sawirro:Guddoomiyaha Baarlamanka KGS oo Galabta la Kulmay Madaxda & Bulshadda Degmada Xudur

39

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr. Ali Said Faqi oo maanta gaaray magaalada Xudur ee gobolka Bakool

Galabta ayaa waxaa uu  Kulan is xogwareysi ah la yeeshay Maamulka Gobolka Bakool iyo Kan degmada Xudur. iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshadda .

 Kulankan ayaa waxaa  ka soo qeyb galey Wasiiro, iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo maamulka Gobolak iyo Kan degmada Xudur .

Kulankan ayaa waxaa looga hadlaya Arrimaha sugida amniga  horumarinta deegaanka  iyo u adeegida bulshada

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb Dr. Ali Said Faqi ayaa mid mid u wareystay xubnihii uu maanta la kulmay waxana uu wax ka weydiiyay Xaalada guud ee Gobolka Bakool .

Safarka gudoomiyaha uu manata ku gaaray Xudur ayaa waxa uu qeyb ka yahay safari dhowr ah oo uu Gudoomiyaha  ku kala biixin doono  Degmooyinka Maamulka Dowlad Goboledak Koonfur Galbeed Soomaaliya .