Sawirro+Gudoomiyaha Diinsoor oo deeq gaarsiyay Ciidamada

34

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Abdisalan Haaji Siidow ayaa maanta dhiiri-gelin u sameeyey ciidamada ku sugan degmada Diinsoor, kuwaasoo maalmihii lasoo dhaafay howl-galo ka wadey deegaanada hoosyimaada degmada,Diinsoor.

Guddoomiyaha oo ay lasocdaan gudoomiye kuxigeenka, gudoomiyaha arimaha bulshada, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa daraawiishta koonfur galbeed ayaa waxay ciidamada kula hadleen fariisimo ay ku leeyihiin duleedka magaalada.

Gudoomiyaha ayaa u sheegay inaysan niyo jabin siina wadaan howlgalada ay kula jiraan Cadawga Al-shabaab.

Gudoomiye Abdisalan Haaji Siidow ayaa aad u amaanay howlgaladii ugu dambeyey oo ay ciidamada geesiyasha KGS ay uga difaaceyn Nabad diidka Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa deeqdaan xoolaha iyo raashinka ah gudoonsiyay saraakiisha hogaamineyso ciidankaan.