Sawirro:Gudoomiyaha Gobolka SH/Hoose oo kormeer iyo dhiira gelin ugu tagay ciidamada XGDS

79

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah ayaa kormeer iyo dhiira gelin ugu tagay ciidamada xoga dalka somalia oo Maalmihii ugu dambeyey Howlgalo lagu Baacsanayo Firxadka Maleeshiyaadka Al-shbab ee Ku dhuumaaleysanaya Gobolka Shabeeladda Hoose .

Kormeerkan shaqo ee Madaale Gudoomiye  Hon Ibrahim Adan Ali Najah  uu maanta ku tagay deegaanka Doon-Awsuuro ee Degmada Afgooye  ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaalada Ciidamada Xooga dalka iyo sida ay u socdaan Howlgalada Ciidmada ay ka wadaan  Degmada Afgooye oo todobaadki hore lagu dilay horjooggayaal sar-sare iyo maleeshiyaad ka tirsan Shabaab,

Gudoomiyaha Gobolka Shabeeladda Hoose Hon Ibrahim Adan Ali Najah  ayaa sarakiisha Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyed waxa uu ka dhageystay warbixin la xariirta sida ay  Jab-xoogan  u gaarsiiyeen  maleeshiyadi dooneysay inay car-qaladeyso amaanka deegaaanka.

Gudoomiye Ibrahim Adan Ali Najah  ayaa waxa uu tilmamay in  markasta  ay la garab taaganyihiin taageero iyo garab istaag  Ciidanka XGDS ee u taagan difaacada Shacabka Gobolka shabeeladda Hoose

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamadda Xooga dalka waxa ay Guulo ka soo hooyeen Howlgalo lagu Baacsanayo Firxadka Maleeshiyaadka Al-shabab ee ku dhuumaaleysanayo Gobolka

Ciimadaa ayaa waxaa ay dileyn Horjoogayaal Ka tirsan maaleeshiyaadka nabad diidka ah

Daryeel iyo Dowladnimo.

Nabad iyo Najah.