Sawirro:Kulan looga arrinsanayo dhismaha Garoonka K/Cagta Galkacyo oo ka dhacay Magaladaasi

18

Duqa degmada Gaalkacyo ayaa Maanta la kulmay Guddiga HAB ee gacanta ku haaya dhismaha Garoonka kubada Cagta Cabdulaahi Ciise.

Kulanka waxaa uu ahaa mid guddiga HAB ay ugu warbixinayeen Gudoomiyaha degmada iyo ku xigeenkiisa shaqada ay qabteen guddiga iyo halka xilligaan ay howsha mareysa iyadoona gudoomiyaha lala wadaagtay marxaladihii u soo maray garoonka iyo sida guddiga ay ugu fikirayaan sidii bulshada reer Gaalkacyo ay ugu dhisi lahayeen Garoon caalami ah.

Mahmoud A Kahie Macaka oo ah Gudoomiyaha HAB ayaa sheegay in ay ku dadaalayan sidii loo helo lahaa garoon wanaagsan oo heer caalami isagona la wadaagay Gudoomiyaha lacagta ay u hayaan garoonka iyo rajada kale ee ay sugayaan.

Abdirahman sheikh Hassan oo ah gudoomiyaha degmada Gaalkacyo ayaa ku amaanay guddiga HAB sida ay u ilaaliyeen amaanadi loo dhiibay isagoona ugu dambeyntii tilmaamay in ka maamul ahaan ay la shaqeynayaa guddi .

lan