Sawirro: Puntland oo munaasabad u sameysay safiirka Jabuuti

77

 Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qado sharaf ugu sameeyay beer ku taala dhanka bari ee Garoowe Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya danjire Aadan Xasan Aadan iyo Wefti uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugan Garoowe.

Labada mas’uul ayaa waqti badan ku qaatay beertan oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaa.

Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Garoowe, isaga oo halkaasi kula kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.