Sawirro:Taliyaha Ciidamada Booliska oo la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka puntland

31

Wararka naga soo garaya Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa sheegaya in Ku-simaha Madaxweynaha Maamulka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash,oo Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Taliyaha Ciidamada Booliska Dowlada Federalka Soomaaliya  ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya, maadaama taliyuhu yahay guddoomiyaha Amniga ee doorashooyinka Qaranka.

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyed ayaa maalmahan socdaal ku marayay qeybo ka mid ah magaalooyinka Maamul Goboledyadda dalka

Ujeedka safarka Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa ah siidii uu qiimey ugu sameyn lahaa xaaladda nabad gelyo ee goobaha lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka soo socda .