SAWIRRO:Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidanka XD Soomaaliyed oo dib ugu Soo Laabtay Beydhabo

29

.

Wafdi saraakiil ah uu hogaaminaayo Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka  Soomaaliyeed oo Baydhabo dib ugu soo laabtey.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ganeraal Maxamed Sheikh Cabdullahi ( Ciirow ) Oo safar shaqo ugu maqaana Muqdisho ayaa Dib ugu soo laabtay Maanta Magaalada Baydhabo

Taliyaha ayaa  waxaa garoonka  diyaaradaha ee Shaati Gaduud kusoodhaweyay saraakiil ka tirsan qeybta 60aad Taliyaha ayaa safarkiisa waxaa  ku wehlinaayey Taliyaha cusub ee Guutada 9aad qeybta 60aad Ee Ciidanka Xooga dalka  Gaashanle Dhexe Ali Xabat.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Ganeraal Maxamed Sheikh Cabdullahi ( Ciirow ) ayaa ka warbixiyay safarkii uu ku Joogay Magaalada Muqdisho waxana uu sheegay in Howlo shaqo uu halkaasi ka soo qabtay waxana uu sheegay in aad uu ugu faraxsan yahay in magaalada Beydhabo dib ugu soo laabto

Taliyaha ayaa markii uu yimid waxa uu kor meer  iyo xo wareysi la qaatay qaar ka mid ah Saraakiisha qeybta 60aad ee CiidaanakXooga dalka soomaaliyed

Halkaan Hoose Ka Daawo sawiradda