Sawirro:Wafdi uu Hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka KGS oo gaaray degmada Xudur.

55

Wafdi ballaaran uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb.Dr.Ali Said Faqi ayaa Maanta soo gaarey Degmada Xudur ee Xaruunta Gobolka Bakool.

Wafdiga ayaa waxa garoonka diyaaradaha Degmada  ku soodhaweeyay Maamulka Gobolka Bakool kan degmada xudur Sarakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada .

Guddoomiyaha degmada Xudurka oo hadlay munaasabadda Soo dhaweynta ah  ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo madaxda la socda,

Guddoomiyaha degmada Xudurka  ayaa waxaa  uu sheegay in Dr Cali Saciid Fiqi uu noqday  gudoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee taga Gobolka Bakool.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Fiqi ayaa tilmaamay  in u jeedka safrkooda uu yahay inay u kuurgalaan xaalada degmada Xudur iyo degaannada hoostaga, sidoo kalena ay kulamo la qaadan doonaan Maamulka iyo Bulshada degmada qeybaheeda kala duwan.

Wafdiga ayaa waxa uu ka kooban yahay masuuliyiin ka kala socoto  wasaaradaha  kala ah Wasaradda Arrimaha gudaha dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed  wasaaradda gargaarka, wasaraada cadaaladda,wasaradda xanaanadda xoolaha, wasaaradda tamarta, wasaraadda diinta,wasaraadda caafimaadka, wasaaradda  waxbarashada, wasraadda shaqada iyo arrimaha bulshada.