SAWIRRO+Wafdi Xaqiiqo raadin ah oo Maanta gaaray Dhusamareeb

36

Madaxweynha Galmudug ayaa maanta xarunta Madaxtooyada ku Qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya (Xijaar ) oo Goordhaw gaaray magaalada Dhuusamareb.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug, Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada Dowladda ee ku sugan halkaas iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wafdigaan oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ay la socdaan Saraakiil sar-sare oo Ciidanka ah, ayaa maanta kulan kula qaatay xaruunta madaxtooyadda Galmudug  Madaxweyne Qor Qoor

Kulankaan aya  waxa uu ujeedkiisa uu yahay siidii  sarakiishaan ka socday Booliska Soomaaliyeed ay u soo qiimeyn lahaayeen Xaaladda amaan ee  Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka ee ku yaal Maamulka Galmudug

Sidoo kale labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen sugida Amniga ee degaannada Galmudug gaar ahaan Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal iyo dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Galmudug ayaa waxaa loo diyaariyay in ay doorashada ka dhacdo labbo magaalo kuwaasi oo kala ah Dhusamareeb iyo Cadaado.