SAWIRRO:Xafladda Xilwareejinta Maamulka Degmada Afgooye

57

Xaflada caleema saarka gudoomiyaha cusub ee degmada Afgooye ee Gobolka shabeelada Hoose ayaa maanta ka dhacday Xarrunta Degmadaasi.

Munaasabadani xilwareejinta ah ayaa waxa ka qeyb galay  gudoomiye ku xigeenka amniga gobolka Shabelladda Hoose Abdi Ahmed Afar Sheegle Qar kamid ah ku xigeenada maamulka degmada Afgooye odayaasha dhaqanka iyo  Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ugu horeyn waxaa Xaflada Xil wareejinta ka hadlay  Ibrahim omar Qasim  Gudoomiyihii Hore ee degmada Afgooye oo Galabta Xilka  ku wareejiyay Gudoomiyaha Cusub ee degmada Afgooye  ayaa waxa uu sheegay in mudadii u xilka uu  hayay inuu wax badan ka qabtay arrimaha amniga degmada iyo Horumarinta degmada .

Sidoo kale Gudoomiyaha Cusub ee degmada Afgooye Aweys Buulalow  ayaa khadbad uu halkaasi ka jeediyay waxa uu balan qaaday in uu wax ka qaban doono tabashooyinka ay qabaan Shacabka reer Afgooye waxana uu Sheegay in uu latashiyo la smaeyn doono cid walbaa oo ka shaqeyneyso dana guud ee bulshada reer Afgooye 

Gabagabada xafladaani xil wareejinata ayaa waxa khudbad ka jeediyay galay  gudoomiye ku xigeenka amniga gobolka Shabelladda Hoose Mudane  Abdi Ahmed Afar Sheegle.ayaa waxa uu la dardaarmay  Maamulka Cusub in ay la yimaadaan  qorsho Howleed Cusub  isla markana uu Alle ugu Baryay in uu xilkaan cusub la garab galo Gudoomiayah Cusub

Sidoo kale waxa uu sheegay in Gudoomiye Bulalow in nuu yahay Shaqsi isku wadi karan Shacabka reer Afgooye . Maamulkan Cusub ayaa waxa looga fadhiyaa in uu wax ka qabto arrimaha amaanka Degmada Afgooye iyo adeegyadda Bulshada