Sawirro+Xubnaha Cusub ee Golaha Deegaanka Galkacyo Oo la Dhaariyay

42

Xubnaha  golaha deegaanka dagmada Galkacyo ayaa maanta loo dhaariyay xilka Maalintii shalay lagu doortay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug.

Munasabadaan ayaa waxa  goob joog ka ahaa wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha galmudug Axmed xasan cali iyo wasiirka wasaaradaasi Cabdi Maxamed jaamac.

wasiiru dowlaha wasaarada Axmed xasan Cali iyo wasiirka wasaarada arimaha gudaha Cabdi Maxamed Jaamac ayaa la dar daarmay xubnaha golaha deegaanka ee maanta la dhaarshay

Dhinaca kalana xubnaha golaha deegaanka ayaa maanta waxaa magaalada galkacyo uga furmay tababar aqoon kordhin ah oo  la xariira qaabka doorashada taas oo ay fulinayaan Masuuliyiin ka socatay hay’ada Eisa oo ka mid ah hay’adihii doorka ku lahaa dhismaha golaha deegaanka dagmada Galkacyo ee Galmudug isla markaana ah hay’ad ka shaqeysa arimaha dimuquraadiyada iyo doorashooyinka Qaarada afrika

Abdullaahi Cabdoow oo ka socday hay’adda Eisa ayaana ugu horeyn ka warbixiyay tababarka iyo waxa uu ku saabsan yahay isagoona xusay in lagu baranayo qaabka doorashada labada maalmood ee uu socdo

Xubnaha Maanta la dhaariyey ayaa waxaa ay ka koobnayeen 27 Xubnood ee Golaha Deegaanka Degmada Galkacyo

HALKAAN HOOSE KA DAAWO SAWIRRADDA