SAWIRRRO: Tababar loo furay Shaqaalaha hay’adaha  KGS

25

Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowalda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Sharmarke Mohamed Kulow ayaa maanta Tababbar Indho-fur ah (Induction Training) ufuray Shaqaale cusub oo dhawaan loo qaatey qaar ka mid ah Hay’adaha Dowalda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tababarka waxaa bixinaayey Agaasimiyaasha Guddiga oo kala ah Agaasimaha Siyaasada Md. Hassan Aadan Yarow iyo Md. Abdinasir Yussuf, Agaasimaha Shaqalaysiinta.

Ujeedada laga leeyahay taba-barkaan aqoon kororsiga ah  ayaa wuxuu yahay sidii Shaqaalaha cusub Hay’adaha Dowladda loogu sharxi lahaa arrimaha la xariira shaqaalaha rayidka ee Dowladda ah si awood loogu siiyo inay shaqadooda ugu gutaan si gaarsisan heerka loogu baahan yahay, iyo in sharaxaad waafi ah laga siiyo Wasaaradaha ay ka shaqeeyaan isla markaana la hubiyo inay ka warqabaan Xeer-nidaamiyeyaasha, Siyaasadaha u degsan Shaqalaha rayidka ah ee dowladda.

Nooca Tababarkaan ayaa la siiyaa dhammaan shaqaalaha cusub oo loo qaato in ay ka mid noqdaan shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda bisha ugu horreysa marka shaqada loo qaato, waxaana inta badan bixiya Waaxda Siyaasada, Diiwaanka iyo ilaalinta mudnaanta Guddiga.

Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay shaqaalaha kala duwan ee ka socda hay’adaha dowladda in ay ka faa’iideystaan tababarkaan qiimaha badan mudada halka Maalin ah.