SAWIRO+Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed oo dib ugu soo laabtey Baydhabo.

54

Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed oo dib ugu soo laabtey Baydhabo.

Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb.Dr .

Ali Said Faqi ayaa maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay, Waxana garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoodhaweyay Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Baarlamanka KG Marwo Shamso Maxamed yarrow ,wasiiro ,Xildhibaano ,qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Koonfur Galbeed ,odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.

Maalmaahan ayaa waxa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbed Amb.

Dr.Ali Said Faqi waxana uu la Kulmay R/wasaaraha Cusub Ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mohamed Xussein Rooble.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada Hadlay Arrimaha Doorashooyinka iyo iskaashiga Dowladda FS iyo Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbed Soomaaliya. Sidookale waxaa ay isla Garteen in ay isku Aragti ka Yeeshaan arrimaha Masiiriga ah ee Qaranka,Galabta ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Beydhabo ee Gobolka Baay