Senataro ka tirsan aqalka sare oo ka qeyb galay kulanka IGAD + Sawirro

36

Qaar ka mid ah Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay kulan gaar  ah oo uu Baarlamaanku  la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Ha’yadda Qaxootiga Aduunka (UNCHR) ee Geeska Afrika, Hal ku dhigna looga dhigay Jawaabaha Baarlamaanku ee xalka Barakaca Khasabka ah ee Gobolka IGAD.

Munaasabadda oo lagu qabatay Aaladda fogaan arraga ah ee Zoom, ayaa waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Adduunka (UNHCR), Xarunta Daraasaadka Siyaasadda Yurub (CEPS) iyo Ururka Baarlamaanka Adaduunka(IPU).

Senatarada Golaha Aqalka Sare ee shirka ka qeyb galay ayaa dhankooda ka warbixiyay xaaladda dalka.