Shacabka Dhuusamareeb oo amaro culus la dul-dhigay

74

Gudoomiye kuxigeenka dhanka Amniga iyo Siyaasada ee Magaalada Dhuusamareeb Cabdi Xaashi ayaa sheegay in lagu amrayo dadka ku nool Magaalada in qof walba Gurigiisa hortiisa uu ku dhejiyo leyr ama Nal, si loo xoojiyo amniga magaaladaasi.

Cabdi Xaashi ayaa tilmaamay in cidii fulin weyso amarkaas ay la kulmo doonto ganaax adag iyo xabsi.

“Waxaan amreynaa guri walba oo magaalada ku yaala in lagu xiro laambad (leyr) inta ka dhiman bishan, cidii amarkeena fulin weysa waxay la kulmi doontaa ganaax iyo xabsi ayuu yiri” Guddoomiye Cabdi Xaashi.

Dhuusamareeb oo lagu soo gabagabeeyey shirkii wada-tashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaa muddooyinkii dambe sare howl-gallada lagu sugayo amniga.