Shacabka Wanlaweyn oo loo dalbay gargaar bini-aadanimo

75

Sida laga soo sheegayo deegaanno badan ayaa laga barakacay halka sidoo kale biyaha ay qaadeen dalagyo maadaama xilligaan lagu jiro waqtiga beerashada, waxaana haatan jirta in dadka deegaanka ay soo wajahday caqabada oo ku xeeran inay ku hanti waayeen .

Gudoomiyaha degmada Wanlaweyn  ee gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Siidow Cabdirraxmaan ayaa sheegay in fatahaaddaan ay aad ugu xoog badan tahay fatahaaddii hore, wuxuuna ugu baaqay hay’addaha gargaarka ,dowlad goboleedka Koonfur galbeed  iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay la soo gaaraan gargaar deg deg ah.

“Waxaan Dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo Dowladda Dhexe ka codsaneynaa inay dadkaan dhibaateysan la soo gaaraan Gargaar bini’aadanimo,maadaama ay xaaladoodu aad uliidato,” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Siidoow.