Shan Macalin oo lagu dilay gobolka Shabeelaha Dhexe + Magacyada

47

Inta la xaqiijiyey illaa 5 Macalin Dugsi Qur’aan ayaa saaka lagu dilay gudaha degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Macalimiinta oo xilligaas ku jiray Subac ama Qur’aan aqris ayaa waxaa weerar ku qaaday rag hubeysan oo aan la garaneyn heybtooyda, kuwaas oo rasaas ku furay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ragga fuliyey weerarka ay goobta isaga baxsaden, mana jiro illaa iyo hadda wax faah faahin ah oo laga bixiyey dhacdadaasi.

Halkaan hoose ka aqriso magacyada Macalimiinta la laayey:-

1-Sheekh Daahir Xasan Cali

2-Macalin Maxamuud Canbuure

3- Macalin Maxamed Xuseen Axmed Caddaawe

4-Macalin Mukhtaar C/laahi Cilmi

5-Ow Muxumud Xasan Cali.