Shariif Xasan oo shaaciyey in aysan weli dhicin in dalku ahaado Ra’iisul wasaare la’aan

47

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudanbe  Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay  in Madaxweynaha dowladda federaalka, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu waddo qardo jeex ah ku waddo dalka, islamarkaana ay dhacayaan dhacdooyin halis ah.

Shariif Xasan ayaa sheegay in  dalka uu muddo ku dhow 60 cisho uusan laheyn ra’iisul Wasaare xilli weli uu shaqeynaayo baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu uu baadil ku tilmaamay dhammaan tilaabooyinkii ay qaaday xukuumadda KMG ah oo uu sheegay in ay baalmartay Sharciga uuna socdo boob.

Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo haatan ka tirsan Madasha Xisbiyada Qana ayaa sidoo kale xusay in ay nasiib daro weyn tahay in Madaxweynihii oo laga rabay in uu dhowro dastuurka in uu hareermaro.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya  in uu Magacaabo Ra’iisul Wasaare, islamarkaana uu ka shaqeeyo in doorashada ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.