Sheekh Shariif Oo Mar Kale Oo Maanta Ku Wajahan Jowhar Iyo Sababta Safarkaasi

27

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta mar kale waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Ujeedka safarka Sheekh Shariif ayaa waxaa uu yahay mid la xiriira arrimo dib u heshiisiin iyo sidii loo xalin lahaa tabashada ay qabaan dadka kasoo jeera Gobolka Hiiraan ee ku aadan dhismaha Cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wafdiga Sheekh Shariif ayaa waxaa kamid ah Odayaal, waxgarad ka soo jeeda Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaran Magaalada Jowhar oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweynta Shariif.

Maalintii Axada aheyd ayuu Shariif Sheikh Axmed  tegay Jowhar, isagoona kulamo la qaatay Odayaasha dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Cusub ee Hirshabeelle, isla markaana kala hadlay sidii loo dhameyn tabashada laga qabo dhismaha Maamulka iyo sidii loo xalin lahaa wax kasta oo khilaaf ah oo jira, si loo dhiso Hirshabeelle mideysan.

Shariif ayaa isku dayay in uu  Xal ka keeno qilaafka dhanka mamaul dhisida ah ee ka tagaan Maamulka Hirshabelle Madama ay jiraan Beelo weli diidan in wax ka socda Jowhar