Shiiq Shariif Shiiq Axmed Oo Goordhaw Gaaray Magaalada Jowhar Ee Caasimada Hirshabelle

30

Madaxweynihii Hore Ee Somali  Shiiq Shariif Shiiq Axmed  Oo Goordhaw  Gaaray Magaalada Jowhar Ee Caasimada Hirshabelle

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa  goor dhow ka degay garoonka diyuuradaha  magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Waxa garoonka ku soo dhaweyey  mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle 

Shariif Sheekh Axmed oo dhowrkii bil ee la soo dhaafay safar dibada ah ugaga maqnaa dalka ayaan la ogeyn qorshaha uu u  tagay magaalada Jowhar oo haatan ay ka bilaabatay ololaha doorashada guddoonka Baarlamaanka Hirshabelle.

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in wafdiga Shariif Sheekh Axmed ay kulamo la qadanayo madxaweyne Ku xigeenka Maamulka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin  kale oo ka tirsan Maamulka Hirshabelle .

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ka soo jeeda gobolka Sh/dhexe waxana uu hore ugaga soo noqday Guddoomiye Maxkamada gobolka xilligii uu Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere uu guddoomiye ka ahaa gobolka Sh/dhexe.