Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Aadan Cadde ee M/Muqdisho

33

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku dhacday Diyaarad nuuca Xamuulka ah oo nuuceedu yahay 5Y-MHT, waxaana ay dooneysay in ay caga dhigato Garoonka sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Howlwadeenada garoonka ayaa gurmad deg-deg ah siiyey, si aysan u sababin khasaare kale sida dab ka kaco, maadaama qaybta hore diyaaradda ay ku dhufsatay Darbiga garoonka.

Sidoo kale Sawirro laga soo qaaday waxaa laga dhex arki karaa dhaawac gaaray diyaaradda, waxaana jabay qaybta hore, kadib markii ay ku dhufsatay diyaaradda gidaarka (Xeen-daabka) Wareegga Garoonka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale sheegaya in gudaha diyaaradda laga soo saaray Duulliyaha iyo caawiyihiisa

Nuuca Diyaaradda oo ah kuwa yaryar ayaa qaada dad kooban iyo Xamuul aan tankiisu badneen, wararka qaar ayaa sheegaya in ay u adeegeysay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo ay agab u qaadeysay.