Shil Gaari Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

30

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayya shil khasaara dhaliyay oo maanta kadhacay isgoyska baar ayaan ee degmada yaaqshiid ee gobolka Banaadir

Shilkan ayaa yimid sida shabelle ay usheegeen goob joogayaal kagadaal markii gaari iska roga ah uu dulmaray mooto bajaaj ay lasocdeen laba ruux iyo darawalkii waday mootada

Dhaawacyo ayaa lagusoo waramayaa in ay gaareen labadii ruux ee saarnaa mootada, iyadoo goobta uu kabaxsaday darawalkii kaxaeenayay gaariga iskarogaha.

Gaariga ayaa lasheegay inuu kusocday xawaare sare taasina ay keentay inuu xakameen kari waayay gaariga taasina ay sababtay inuu shilka dhoco sida shabelle ay usheegeen goob joogayaal

Ciidamo katirsan booliska ayaa gaaray goobta shilka uu kadhacay kuwaasi oo baaritaano ku aadan sida uu shilka udhacay kabilaabay goobta

Darawalada kaxeeya gaadiidka ayaa inta badan latilmaama in aysan iska xil saarin wadista gaadiidka taasi oo keenta in shilalka ay kudhex bataan gudaha magaalada muqdisho ee caasimadda dalka somalia