Shil Gaari oo ka dhacay Deegaanada Somaliland

20

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa laga helayaa Shilka gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay degmada Sheekh oo ka tirsan gobolka ay Soomaaliland u taqano Saaxil.

Shilka ayaa yimid, kaddib markii uu rogmaday Gaari Bas ah oo ay leedahay shirkadda Basaska Safar-same, waxaana ku geeriyooday laba Ruux halka 9 kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada wadooyinka ee taraafikada iyo dadka degmada Sheekh ayaa tegay halka uu Shilka gaari ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday meydadka labada Ruux & dadka dhaawacmay, iyaga oo geeyay Isbitaalka degmada Sheekh & Isbitaalka Magaalada Burco.

Shilalka gaari ee ka dhasha khasaaraha dhimaso iyo midka dhaawac ayaa maalmihii la soo dhaafay kusoo batay degaannada Soomaaliland iyo Puntland, waxaana loo sababeeyay wadooyinka qaarkood oo roobkii da’ay ku burburay.