Shil Gaari oo ka dhacay duleedka Magaalada Garowe

31

Wararka laga helayo caasimadda maamulka puntland  ayaa sheegaya in shil Khasaare nafeed oo culus geestay uu ka dhacay halkaasi

Laba qof ayaa ku geeriyooday shilkaan  gaari oo ka dhacay inta u dhexeysa magaalooyinka Garowe iyo Dangoroyo ee gobolka Nugaal ee Puntland.

Gaari shilkaas galay ayaa ahaa nooca yaryar ee raaxada, waxaana watay labada nin ee ku geeriyootay shilkaas.

Gaari ayaa rogmaday xilli uu marayey nawaaxiga tuulo lagu magacaabo Sinujiif oo u dhaxeysa magaalooyinka Dangoroyo iyo Garowe, sida ay noo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland.

Labadaan nin ayaa waxa lagu kal amagacaabi jiray Maxamed Cali Xasan iyo Maxamed Qude, kuwaasi oo  ku geeriyootay shilkaas gaari, waxaana gebi ahaanba burburay gaarigii la rogmaday.

Inta badan wadadaaan ayaa waxaa ka dhaca shilal sababa khasaaro kala duwan