Friday, June 25, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

17

Faah faahino ayaa laga helay shil Goor dhaweyd ka dhacay Isgoyska Baar ayaan ee Magaalada Muqdisho, una dhaxeeya Isgoysyada Towfiiq iyo Cali Kamiin, kaasi oo geystay khasaaro dhaawac ah.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay kusoo warrameen in shilkaas ka dhacay Baar ayaan uu yimid, kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo gaari nooca Soomaalida u taqaano Sak-suuko.

Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa xaqiijiyay in shilka uu dhaawac culus kasoo gaaray laba qof oo si deg deg ah loogula cararay Xarun Caafimaad, waxaana sidoo kale uu burbur soo gaaray Mooto Bajaajta.

Ciidamo ka tirsan kuwa Ilaalada waddooyinka ee Taraafikada ayaa tegay goobta uu shilka ka dhacay oo aheyd Isgoyska Baar ayaan ee Magaalada Muqdisho, isla markaana halkaas ka sameeyay baaritaano ku aadan shilkaas.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta khasaaro, waxaana inta badan loo sababeeyaa shilalka darawalada oo gaadiidka xawaare sare ku wada, xiliyada ay marayaan waddooyinka dhisan ee Caasimadda ku yaalla.