Shil Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Gobolka Nugaal

33

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Shil geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duleedka Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, kadib markii uu rogmaday gaari nooca raaxada ah.

Shilkaan ayaa sigaar ah uga dhacay wadada u dhexeeysa Garoowe iyo tuulada Sinujiif  gaar ahaan geedka loo yaqaano Barde-dawaco, waxaana ku geeriyooday laba ruux oo mid haweeney ay tahay.