Shir looga tashanaayey horumarinta biyaha Galmudug oo lagu qabtay Dhuusamareeb

65

Shir looga tashanaayay qorshaha horumarinta biyaha Galmudug ,ayna ka qeyb galay masuuliyiin ka socda xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka,wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha XFS,dadka ka shaqeeya biyaha iyo waraabka beeraha iyo maamulka magaalda Dhuusamareeb

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha,waxaa ka hadlay Wasiirka tamarta iyo kheyraadka biyaha dowlad goboleedka Galmudug Maxamuud Cabdi Axmed,isgoo sheegay in in qeyb weyn uu ka qaadan doono horumarinta biyaha.

Agaasimaha waaxda biyaha Soomaaliya Axmed Maxamed Xasan ayaa sheegay in qorshahani yahay mid lagu horumarinayo kheyraadka biyaha dalka, la tashina lagala yeelan doono dadka ka shaqeeya arrimaha biyaha.

Guddoomiye ku xigeenka arirmaha bulshada magaalada Dhuusamareeb C/xakiin Cabdullaahi Warsame ayaa xusay in ka maamul ahaan ay soo dhaweynayaan mashruucaan hormarinta biyaha.

Mashruucaan ayaa hadduu dhaqan galo noqon doono mid ay ku mahdiyaan dadka ku nool deegaannada Galmudug oo qaarkood aysan helin biyo nadiif ah oo ku filan.