Shir muhiim ah oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Muqdisho ka dhacay

21

Ra’iisul Wasaaraha xukumada federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay wafdiga midowga Yurub,ka socda waxaa uu la wadaagay muhiimmadda uu Soomaaliya u leedayahay xiriirka kala dhexeeya Midowga Yurub.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa isku afgartay qabashada shirka amniga la xiriira oo ku dhici doona qaab fogaan arag ah, ayna isla shir guddoomin doonaan DFS, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, shirkaas oo dhici doona 30-ka nisha November 2020.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha ay sida isku midka ah u daneynayaan ee ku saleysan ajandaha wadajirka ah ee lagu heshiiyay.

Wadahadalkan ayaa muujiyay wadashaqeyn heerkeedu sarreeyo oo ku dhacday jawi furan, saaxiibtinimo oo wax dhisaya.

Dhanka Midowga Yurub waxaa hoggaaminayay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ay wehliyeen Safiirrada Jarmalka, Finland, Spain, Italy, Sweden, Denmark iyo Ireland. Waxaa sidoo kale wehliyay taliyeyaasha howlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR, EUCAP iyo EUTM.

Gunaanadkii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku celisay sida ay uga go’an tahay dib u habeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga iyadoo Midowga Yurubna xaqiijiyay sida uu ugu heellan yahay ka qeyb qaadashada dadaallada qaran dhiska Soomaaliya.