Shirar Siyaasadeed oo dhan ah Gudoomiye Gacal oo Dhuusamareeb ka socda

44

Shirar looga soo horjeedo Gudoomiyaha baarlamaanka Dowlad Goboledka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa ka socda Magaalada Caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug .

Xubno ka tirsan Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa si weyn uga soo horjeestay tilaabo gudoomiye  Maxamed Nuur Gacal uu ka qaaday Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Galmudug kadib markii uu Shaqo Joojin Ku sameeyay Xildhibaankaasi habeenkii Xalay .

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda Barlamanka Galmudug oo  ka careysan warqad uu soosaaray Guddoomiyaha Barlamanka Maamulka Galmudug ayaa cabasho u gudbiyay Madaxweynaha Dowlad Goboledka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Xildhibaan Calasow oo ah Xildhibaanka Shaqada Laga Joojiyay ayaa  ka mid ahaa xildhibaanadii kursiga kula tartamay Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal, islamarkaana hadda ah Wasiir dowladaha Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug.

Xildhibaanka ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa xildhibaano si weyn uga soo horjeeday gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug oo maalmihii lasoo dhaafay waday olole ka dhan ah in xilka laga tuuro.

Saakay ayaa waxa magaalada Dhusamareeb ka socdo Shirar ay leeyihiin Xildhibanada Barlamanka Galmuudg oo ay uga arrinsanyaan sidi laga yeeli lahaa xasaradda Siyaasadeed ee ka dhex alloosan Gudoonka barlamanka Galmudug iyo xildhibaanda

Maalmihii ugu Dambeyay ayaa wxaa soo baxayay Qilaaf iyo kala aragti Duwanansho siyaasadeed .